SAWIRRO: Madaxweyne Xaaf oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hadda gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo Magaaladaasi

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu sharaxay Calamadda maamuladda Koonfur Galbeed ,Puntland,  Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Madaxda Hirshabeelle, Jubbaland ayaa horay u gaaray Baydhabo ,waxaana hadda la sugaaya Madaxweynaha Puntland.