Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Danjire Michael Keating oo safar shaqo ku jooga Somaliland.
Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, Maxamed Kaahin Axmed iyo Sacad Cali Shire iyo xubno kale, Waxaana kulankan diiradda lagu saaray arrimo uu ka mid ahaa; sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.
Sidoo kale, Muuse Biixi iyo Danjire Keating ayaa ahaa mid ay Albaabbadu u xirnaayeen, waxana markii uu soo dhammaaday warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabihii la isku af-gartay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire oo tilmaamay inay labada dhinac ku lafo-gureen kulankooda sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.
“Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu Hoggaaminayo Ergayga QM ayaa halkan inoogu yimid, waxayna la kulmeen Madaxweyne Biixi, Waxayan uga hadleen kulankooda waxyaabo badan oo la xiriira shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac. Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxa ka mid ahaa Siyaasadda, Dimuqraaddiyadda, Nabad-galyada, dhaqaalaha iyo Garg-aarka, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, Waxaanan rajaynaynaa in xiriirkii wanaagsanaa ee wadashaqayneed ee aynu la lahayn QM uu halkaas kasii socon doono,” ayuu yiri Sacad Cali Shire.