SAWIRRO: Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Waare oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si wayn Garoonka Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Jubbaland.

Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa lagu wadaa in Shir uu kaga furmo Magaalada Kismaayo, iyadoo Dowladda dhexe shirkaasi dareen ay ka qabto.