SAWIRRO: Barakacayaal Cusub oo soo gaaray Kaxda

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir waxaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray dad ka soo barakacay degaanada Huduuman, Garawaay iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadkan oo u waramay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen sababta ay u soo barakaceen inay tahay in Shabaab ay ku soo fureen biyo iyo in korkooda lagu dagaalamay.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta kormeeray dadkan oo tiradooda ay gaareyso 300 boqol oo qoys, si xaaladooda nololeed ay u soo qiimeeyaan.

Guddoomiyaha Kaxda ayaa sheegay in dadkan ay siiyeen meelo ay degaan, balse aanay awoodin inay siiyaan wax ay cunaan, dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha deeq bixiyeyaasha ayuu ugu baaqay inay gargaar la soo gaaraan dadkan.

“Waxaan idin sheegayaa in dadkan ay yihiin dad masaakiin ah oo aan waxba heysan, dadkan nolol uma ogola dadkii soo barakiciyay, waxaa ku jira ilaa 7 qoys oo kala maqan caruurtoodana ka soo barakacay, waxaan dowladda federaalka iyo hay’adaha ka dalbaneynaa inay soo kormeeraan dadkan”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Kaxda.

Maamulka degmada Kaxda ayaa Laba bil kahor wuxuu degaanadooda ku celiyay 700 oo qoys, kuwaasi oo dalbaday in la celiyo kadib markii degaanadooda ay noqdeen kuwa nabdoon.