Waxaa goor dhow Magaalada Muqdisho ka furmay Bandhiga wajiga Koowaad ee kunkii dhalinyaradda ahaa ee maamulka Gobolka Banaadir lagu amray in ay shaqaaleysiiyaan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa iyo sidoo kale Mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya.
Kulankaan ayaa u jeedka laga leeyahay waxaa uu yahay in la dejiyo qorshaha lagu shaqaaleysiinaayo dhalinyaraddaasi iyo sidoo kale hanaankii loo mari lahaa.
Dhalinyaradda ka qeyb galeysa Kulankaan ayaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir waydiinaya Su’aallo la xariira sida dhalinyaraddaasi loo shaqaaleysiinaayo, Mushaarka ay qaadanayaan iyo su’aallo kale.



