Xisbiga mucaaradka dalka Zimbabwe ee MDC ayaa sheegay in xarunta xisbigooda uu ku lahaa magaalada caasimadda ah ee Harare dab la qabasiiyay.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayaa burburka uu xarunta u gaystay dabka.
Dhanka kale, xisbiga Zanu-PF wuxuu sheegay in saddex baabuur iyo xafiis laga gubay, sida ay ku warramay wargeyska dowladda Herald.