SAWIRO: Xaalad adag oo ka taagan Mozambique

Magaala xeebeedka beira ayaa ah magaalada dhaxashay dhibaatada ugu badan ee duufaantii daadka wadatay ee ku dhufatay maalinti jimca ahayd oo aynu soo dhaafay kadib zimbabwe iyo malaawi oo la sheegay in ay cagta soo marisay 85 qofood ayaa la xaqiijiyay in ay ku nafwaayen hase yeeshee madaxweyne  Felipe nyuse oo gaaray magaalada beira gabaldhici maalinki isniinta ayaa sheegay in ay tirada ku waxyeelowday ay gaari karto ku dhawaad 1000 qofood.

Gobolada ay ku dhufteen duufanta iyo daadadka ayaa gaaraya ila sadex gobol sida TETE SOFALA IYO ZAMBESIA inkasto magaalada beira ay noqotay tan ugu sameynta badan oo la sheegay xattaa in madaxda dalka ay helicopter ku qiimeyeen xaalada iyadoo ay u suurta geli weyday in ay ku degtaan dhulka oo biya badan dhex ceegaagan Nus million qofood (500,000) ayaa lagu qiyaasay dadka degan magaalada beira.

Daniel timme afhayeenka UNICEF aya sheegay in ay weli raadinayaan xog dheeri balse ay ku qanceen inta badan qiimeynta ay sameeysay dowlada dalkan Isgaarsiinta aya gabi ahaanba jaran iyo wadooyinka galo oo ayagana jarmay daadadka iyo duufaanada dartood waxaana aad u adag in gurmad la gaarsiiyo dadkaasi weli saaran fooqa sare ee dabaqyadi ka bad-baaday daadka Ciidamada difaaca ee koonfur africa ayaa qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadkaan dhibaateysan.

Maxamed Yaqshiid muzambiig