Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka hadlay Cabashadda Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aadan in aysan wax mushaar ah qaadan bilihii ugu dambeeyay.
Wasiirka waxaa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay bixisay xuquuqdii ay ku lahaayeen Ciidanka dalka Soomaaliyeed intooda la diwaangaliyay.
Wasiir Beyle ayaa xusay intii ay waddeen dib u habeynta in ay soo qabteen dad badan oo qaadanaayay labo Mushaar.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay bixinta Xuquuqda qof walba oo ka tirsan.



