SAWIRO:-Wasiir Goodax oo gaaray Baydhabo & u jeedka oo la shaaciyay

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Galabta gaaray wafdi uu hoggaamimayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabo waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay wasiirka Waxbarashada koonfur Galbeed iyo xubno kale,waxana Wasiirka uu sheegay in uu Baydhabo ka hirgelinayo mashaariic kala duwan.

“Waxaan maanta soo gaaray magaalada Baydhabo Jannaay ee Gobolka Baay oo aan u nimid in aan ka fulinno mashaariic waxbarasho,Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu yiri Wasiir Goodax”.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi goodax Barre ayaa maalin ka hor waxaa uu tegay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isaga oo halkaasi ka dhagax-dhigay Iskuulo Waxbarasho,sidoo kalena lagu wareejiyay Xarun laga dhisi doono Faraca Jaamacadda Ummada ay ku yeelaneyso gobolka Hiiraan.