Warbaahinta Risaala ee ( Risaala TV and Radio) ayaa Maanta Dhar Ciid u iibisay Carruur isugu jirta Agoon & kuwo Qoysaskooda Danyar yihiin, iyada oo Lacagaha dharka Ciida loogu iibiyay Carruurtan ay bixiyeen dhageystayaasha ka qeyb galay Barnaamij dadka danyarta ah loogu aruurinayay dhaqaalo Carruurtooda loogu iibiyo dharka Ciida.
Maanta ayuu billaawday Wajiga Koowaad oo Carruur farabadan dharka Ciida loo qeybiyay, waxaana jiri doono qeybo kale oo Carruurta Dharka lagu siin doono, iyada oo Risaala sanad walbo ay sidaan oo kale Carruurta kunool Muqdisho iyo duleedkeeda ay ciid siiso.
Qaar kamid ah Waalidiinta Carruurta Maanta dharka Ciida loo qeybiyay ayaa u mahad celiyay Warbaahinta Risaala iyo dadkii lacagta sadaqada ah baxsaday, iyaga oo sheegay in aysan awoodin inay Carruurtooda u iibiyaan Dharka Ciida.
Muddo dhowr sano ah ayuu socdaa Ciidsiinta Carruurta Agoonta & kuwo Qoysaskooda Danyar yihiin, waxaana sidoo kale Radio Risaala ka baxa Barnaamij dadka Sooman lau afurinaayo, kaas oo la Magac baxay ( AFURI OO HEL LABA AJAR) waxaana qoys walba la siiyaa wixii uu Bisha Soon uga bixi lahaay.




