59 arday oo ka qalin jebineysay Iskuulka Xamarweyne ee degmada Xamarweyne ee gobolka Banadir ayaa Maanta Munaasabad loogu qabtay Mogadisho,waxaana ka qeyb galay xafladaas masuuliyiin, waalidiin, Macallimiin ka socotay Jaamacadaha Mogadisho qaarkood.
Ardayda ayaa kusoo bandhigay goobta ay xafladda ka dhaceysay waxyaabo ay ugu tala galeen oo ay si weyn ugu riyaaqeen ka qeybgalayaasha Munaasabadda.,waa Dufcadii Sagaalaad ee Dugsigaas ka baxda.
Away Baalow oo ku hadlayay Afka Waalidiinta ayaa sheegay in dadaal xooggan ay bixiyeen ardaydaan, isagoona kula dardaaray in aysan ka fikirin arrimo la xiriira tahriib,isla markaana ay sii wataan waxbarashadooda.
Qaar kamida ah Arday maanta ka qallin badalaneysay iskuulka Xamarweyne ayaa dhankooda waxaa ay warbixiyeen dareenkooda ku aadan munaasabadaan lagu sagootinayay, iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin,isla markaana ay rajeynayaan inay guul ka gaaraan Waxbarashada.
Maamulaha Guud ee Iskuulka Xamarweyne Xuseen Maxamed Guuleed ayaa dardaaran xooggan u jeediyay arday waxaana uu xasuusiyay in aysan dhamaad lahayn waxbarashadu oo ay sii wadaan.
Maamulahu waxa uu sidoo kale sheegay in ardaydu ay soo muujiyeen dhabar adeeg badan, hadana looga baahan yahay mid lamida si hammigooda waxbarasho ay u hirgaliyaan.
Gabagabadii xaflada waxaa shahaadooyin iyo abaal marino la gudoonsiiyay qaar kamida Ardayda.,waxaana uu Maamule Xuseen Maxamed Guuleed uu sheegay in ardaygii galay kaalinta koowaad uu sanadka koowaad waxbarasho lacag la’aan ah uu ugu deeqay Iskuulka.




