SAWIRO:-Tababar lagu baranayay ka hortaga tacadiyada loo geysto Barakacayaasha….

Tababar lagu baranaayay sida looga hor tago tacadiyada loo geysto qaxootiga iyo barakacayaasha iyo sida ay cadaalad ku helayaan oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gaba gabeeyay .

Tababarkaan ayaa waxa loo sameeyay ilaa afartan qof oo isugu jira barakacayaal iyo arday laga soo kala xulay jaamacadaha kala duwan ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Mubashir Maxamed Axmed oo mashruuca tababarka ah waday oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in xubnihii ka soo qeyb galay tababarkaan lagu barayay sidii ay ku heli lahaayeen dadka barakacayaasha ah iyo kuwa qaxootiga ah xuquuqdooda .

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tababarka lagu baranayay qaabka cadaalada ay ku raadsanayaan hadii ay u baahdaan dadka barakacayaasha ah iyo sida ay ula dhaqmayaan dadka ay la noolyihiin.

Sido kale qaar kamid ah dadkii ka faa’iidaystay tababarkaan ayaa waxa ay ka hadleen waxyaabihii ay ka faa’iideen tababarka inta uu socday waxa ayna sheegeen in isbadal badan uu ku yimid noloshooda ayna kala barteen xuquuqda ay leeyihiin iyo cadaaladda sida ay ku helayaan.

Inta badan dadka barakacayaasha ah iyo kuwa qaxootiga ah ayaa waxa ay la kulmaan tacadiyo kala duwan oo loo geysto kuwaas oo soo laalabtay una baahan in laga gaaro xal raaga.