Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdirxamaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku wareejiyay Hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka booyado xukuumadda Somaliland ugu talo-gashay goboladda ay abaartu ka jirto.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in biyo yaraan baahsani ay soo food saartay meelo kamida goboladda bariga Somaliland, waxaanu amar ku bixiyay in dhakhso biyo loola gaaro dadkaasi ay abaartu saamaysay.
Deegaano badan oo ka tirsan gobolada Soomaaliland iyo Puntland ayaa abaaro iyo biyo la’aan laga soo sheegayaan,waxaana Puntland Khamiistii ay sheegtay in gurmad deg deg ah lala gaarayo dadka ay abaartu saameysay.




