SAWIRO: Shabaab oo soo bandhigay ciidamo kasoo goostay Dowladda

Sida lagu daabacay warbaahinta taageerta uruka Al-Shabaab Ciidamo kasoo goostay dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa isku dhiibay Ururka Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose.

Shabaab Waxa ay sheegeen in ay isku soo dhibeen Ciidamo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ,kuwaasoo wata hubka Fudud.

Askartan oo labo ah ayaa waxa ay ka hawl gali jireen aagga Marko iyo Shalaambood, waxaana ay lasoo baxsadeen hubkii ay ku shaqeynayeen sidda ay sheegeen Shabaab.

Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidankaan ay kasoo xanaaqeen Ciidamada ka socda ee dalalka Afrika ee ku sugan Soomaaliya sidda loo tixgaliyo in aan iyaga loo tixgalin.

Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ayaanan weli ka hadlin Askartaan la sheegay in Maamulkooda ay ka goosteen ee Shabaabka isku dhiibay.