Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khdar) ayaa Maanta sirsmi ah waxaa uu Muqdisho uga furay Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Soomaaliya.
Shirweynaha ayaa waxaa uu socon doonaa muddo laba cisho ah,waxana diirada lagu saarayaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.
Shirka sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya,wasiir kuxigeenada,Xubno ka socda Deeq bixiyeyaasha, Safiirada Caalamka qaarkood iyo mas’uuliyiin kale,waxaana inta uu socdo lagu soo bandhi doonaa qorshayaal farabadan oo ku saabsan dhanka waxbarashada.




