SAWIRO:-Qaban qaabo ka socota degmada Xudur ee G/Bakool

Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka guud ee Degmada xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo lagu wado in saacadaha soo socda uu halkaasi tago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo haatan ku sugan Magalada Baydhabo.

Gudaha degmada Xudur ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & kuwa AMISOM oo siweyn amniga u adkeynaya,waxaana sidoo kale Wadooyinka degamadaasi la suray booray lagu dhejiyay Sawirka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dadweyne kala duwan oo ka kala yimid Xaafadaha degmada xudur ayaa lagu arkayaa wadooyinka degmadaas, iyaga oo wata Calanka Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed, iyaga oo u diyaar garoobaya soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha.

Saakay waxaa Degmada xudur gaaray Wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha , waxaana markii uu tago degmada Xudur uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.