SAWIRO: Qaar ka mid ah Ergooyinka qeyb galaya Shirka dib u heshiisiinta oo Dhuusamareeb gaaray

Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta ku soo dhaweeyey Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb Ergooyinka Beelaha ka qeyb-galayaasha Shirweynaha Dib-u heshiisiinta Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa sheegay in maanta Magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen qaar ka mid ah beelaha ka qeyb galaya Shirka.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay beelaha kale in ay yimaadan Magaalada si Shirku u furmo oo ay uga qeyb galaan.

Waxaa uu  Shirku si rasmi ah u furmi-doonaa markii ay soo gaaraan Ergooyinka dhiman goobta Shirka.