SAWIRO:-Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka oo siweyn looga Ciiday

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga Ciiday Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo, iyada oo Masaajida iyo Goobaha fagaaraayaasha lagu dukaday salaada Ciida.

Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho ayay Maanta dadka ku dukadeen salaada Ciida, waxaana looga bartay inay kala qeyb  galaan Madaxda sare ee dowladda balse Ciidan aysan tegain.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho  ayaa saxmad ahaa saaka, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buux dhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Qaar kalena waxay u socdeen goobaha jardiinooyinka ah ee loo tamashle tago oo sidii Ciidooyinkii hore u furan , kuwaas oo badankood sawiro ku galaya si ay ugu soo bandhigan baraha Bulshada.

Dhinaca kale waxa jira dad aan ciidin oo ku nool magaalooyinka qaarkood kuwaas oo awoodi waayay waxyaabihii muhiimka u ahaa Maalmaha Ciida, waxaana madaxda dowladda ay ku baaqeen in dadkaasi la caawiyo.