SAWIRO:-Munaasadda Maalinta la dagaalanka Musuq-Maasuqa oo socota Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socota munaasabadda xuska 16aad ee maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-Maasuqa oo ay soo qaban qaabis.ay wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda xuska 16aad ee maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-Maasuqa ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasiirka cadaaladda,hanti Dhowraha guud ee Qaranka iyo masuuliyiin kale iyo qeybaha bulshada Magaalada muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa khudbado kala duwna ka jeedinaya mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa,waxaana ay ka hadlayaan sida dowladda Soomaaliya u wajaheyso la-dagaalanka musuq maasuqa.