Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 10 January waxa uu si rasmi ah u Shir guddoomiyey shirka golaha Xukuumadda ee maamulka Puntland.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.
Shirka ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo amba-qaadi lahaa Horumarka Puntland.