Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka magaalada Hargeysa ka daah-furay mashruuc lagu tabobarayo dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.
Munaasibadda lagu furayo tabobarkan oo ka dhacday kulliyadda tababarka saraakiisha ee Cabdilaahi Askar, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga,waxana dhalinyaradaan ay yihiin ardaydii dhawaan ka baxday Barnaamijka shaqo qaran.
Taliyaha ciidamada militeriga Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadnaqay fikirka uu curintiisa leeyahay ee lagu carbiyey dhallinyaradii Barnaamijka Shaqo qaran ee qaybo kamid ahi haatan ku jiraan saraakiisha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad dheer oo la xiriirta hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee qaranka.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiishu ay haystaan jidkii qaranka lagu ilaalin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa qaranka iyo danihiisa oo ay khatar walba u bareeraaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.”




