SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo kormeer sameeyey

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo Xarunta Gobolka Bari. kormeer Madaxweynaha waxaa ku weheliyey qaar ka mid ah Golaha Wasiirada maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka warbixiyey Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac, Af-hayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in komeerka Madaxweynuhu uu ugu kuurgelayey shaqooyinka muhiim ka ah ee labadani xarumood u hayaan Bulshada, gaar ahaan Cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray Cisbitaalka magaalada Boosaaso, waxa uu kulan laqaatay maamulka Cisbitaalka oo Madaxweynaha usoo gudbiyey warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ay kusoo bandhigayeen xaaladihii kala duwanaa ee uu Cisbitaalku soo maray, shaqooyinka uu bulshada u hayo iyo qorsheyaasha u yaalla,

“Madaxweyne Deni intaasi kadib waxa u booqday qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Cisbitaalku, wuxuu arkay shaqada halkaasi ka socota bukaanka jiifa iyo sida shaqqaaluhu ay heegan u yihiin, waxa uu bogaadiyey shaqada adag ee ay mamaulka iyo shaqaaluhu u hayaan bulshada gobolka, Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka,

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeer ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka. kormeerada iyo kulamada bulshada gobolka Bari ayaa qayb ka ah isku-duubnida iyo isku xidhnaanshaha shacabka iyo dowladda.