Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano Ka kala Tirsan DFS iyo KG oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed ( Lafta_gareen ) ayaa maanta si diiran loogu soo Dhoweeyey Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Soo dhoweynta ka dib Madaxweynada Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa daah Furey Xaflada maamul u samaynta Degmada Ceelbarde,iyada oo Odayaasha & Waxbaradka degamadaasi ay soo dhaweeyeen qorshaha Maamul u sameynta ah.
Gudoomihyaha Mamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Ceelbarde ayaa hadalo kooban ka jeediyey Munaasabadda waxaa ay sheegeen inay soo dhoweynayaan maamul u samaynta degmada Ceelbarde ,sidoo kale Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Dowlad goboleedka KG Maxamed Abuukar Cabdi iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha gudaha DFS ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la sameeyo mamul degmo iyo sida Bulshada ay fa’iido ugu tahay.
Ugu Dambeyn Munaasabada waxaa ka hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen,waxaana uu sheegey in Maamulkiisa ay ka Go’antahay sidii Degmooyinka ay u gaarsiin lahaa Adeegyada Aas Aasiga Iyo us amaynta Maamul ay u dhanyihiin Bulshada,waxaana sidoo kale u mahadceliyey Shacabka Ceelarde soo dhawaynta ay u sameeyeen.




