SAWIRO:- Jubaland & AMISOM oo ka wada hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee  Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa Maanta Magalada Kismaayo waxaa uu kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Kenya eek u howlgalla Magaca AMISOM .

Kulanka ayaa waxaa goobjog ka ahaa Xubno ka tirsan Xildhibaanada iyo Wasiirada Jubbland,waxaana looga hadlayya ariimo ku saabsan Amniga Jubbaland iyo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa in ciidanka AMISOM iyo Jubbaland ay ka wada shaqeeyaan la-dagaalanka Al-shabaab iyo in si joogta ah ay u wada bilabaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.