Maamulka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro Khilaaf u dhaxeeyay laba Beelood oo walaala ah oo ku dagaalamayay deegaano hoos yimaada Degmadaasi Warsheekh.
Gogosha lagu hishiisiinaayay Labadaan beelood ayaa waxaa soo diyaariyay Maamulka Degmada Warshiikh ee uu hor kacaayo Gudoomiye Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) Waxaana ka qeyb galay Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan.
Labadaan beelood ayaa ku heshiiyay Qodobadaan soo socda.
- In lajoojiyo Xabada lana kala qaado Ciidamada.
- In 19/8/2019 leysugu yimaado Tuulada Shiikhyaalo taasoo Go’aan looga gaari doono Dhulkii khilaafka ka dhashay.
Ugu danbeyn Waxaa la magacaabay Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeyndoona Fulinta Hishiiskaan.
Labada Beelood ee heshiiska la dhex –dhigay ayaa dagaalkooda waxaa uu yahay mid soo lab laabtay,isla markaana dhowr mar ay fashilmeen wadahadallo lagu heshiisiin lahaa.




