Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha wasiirada Maamulka Jubbaland ku yeesheeyn Magaalada Kismaayo uuna shir gudoominaayey Madaxweyne Axmed Madoowe ayey ku ansixiyeen xeerka dhisida Gudiyada madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee Maamulkaasi.
Wasiirka wasaarada warfaafinta Maamulka Jubbaland Mudane Cabdi Xuseen Shiikh Maxamed ayaa warbaahinta kaga warbixyey shirkaasi waxa uuna sheegay in si wadar ogol ah ay u ansixiyeen xeerkaasi wasiirada maamulkaasi.
Waxa uu sheegay Wasiir Cabdi in shirkaasi ay kasoo qeyb galeyn xubno ka socday Xeer ilaalinta iyo Maxkamada sare ee maamulkaasi oo ay su’aallo badan weydiiyeen wasiirada Jubbaland ka hor inta aynan ansixin xeerkaasi.
Xeerkaani ay maanta ansixiyeen Golaha wasiirada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in dhawaan la hor geeyo xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.





