Qaraxa oo siweyn jugtiisa looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir oo kuyaal inta u dhaxeysa Madaxtooyadii hore ee Cabdi Aaasim iyo Isgoyska Tarabuunka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaas oo lagu dhuftay mid kamid ah Gaadiidka qufulan ee Ciidamada AMISOM, wuxuuna geystay khasaaro farabadan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Ardayda Iskuulka Mucaasir oo goobta kuyaalla, Haweeneey wadada nadiifineysay iyo dad kale oo wadada marayay.
Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo gaaray Gaadiidka Basaska ee Iskuilka mucaasir iyo dhismaha Iskuulka, sida ay muujinayeen sawiro laga soo qaaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xiray Aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana la filayaa in laamaha Amniga Soomaaliya ay faah faahin ka bixiyaan qaraxa.