SAWIRO:- Dowladda Soomaaliya oo Maanta lagu wareejiyay Gaadiid dagaal

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin kale ayaa dekadda weyn ee magaalada muqdisho waxaa ay kula wareegteen Gaadiid Ciidan oo loogu talo galay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka oo ah kuwa loo yaqaano Cabdi bileyaasha ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay kala wareegtay mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, kuwaas oo ugu deeqay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa sheegay in Gaadiidkaan oo loogu tala galey in lagu tayeeyo Ciidamada Xooga gaar ahaan GorGor, ayna keenistooda ku soo aadey wakhti Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab.

Wuxuu uga mahad celiyay Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula jira Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxana dalkeeda ay ku soo tababartaa Ciidamo faravadab, kuwaas oo qyeb weyn ka qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.