Ciidamada amniga oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay Banaanka Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo maleegayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.
War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay soo qabatay 4 ruux oo labo ka mid ah ay shaqeeyaan Shirkad Ganacsi oo aan Magaceeda la shaacin.




