SAWIRO: Dhaqaatiir ku guuleysatay kala soocida Mataano isku dheganaa

Koox dhakhaatiir ah oo u dhalatay Nigeria ayaa ku guuleystay in ay kala soocaan ama ay kala fujiyaan labo Cunug oo Mataano ah oo dhashay,iyaga oo isku dhagan.

Kooxda howlgalkaan ku guuleysatay ayaa ka howlgala isbitaal ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Abuja.

Dhakhaatiirtaan oo  uu hogaaminayey Dr Nuhu Kwajafa oo dhawaan ka qaatay Abaalmarinta Caalamiga ah ee  Nabadgelyada ayaa xaqiijiyay guusha howlgalka qaliinka oo qaatay dhowr saacadood.

Labada wiil waxay  dhasheen Juun, laakiin lama kala soocin ilaa ay ka gaarayaan afar bilood.

Afar Bilood ka dib ayay ku guuleystay in kala soocaan, waana mid ka mid ah dhacdooyinka dif iyo Naadirka ah in lagu guuleysto.