Wararka laga helayo Magalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Soomaaliland iyo dadka Shacabka ah ee ku nool Magaladaas.
Dagaalka ayaa ka dambeysay,kadib markii Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland ay halkaasi ka bilaawday duminta Guryo ka dhex dhisan goobo ay Wasaaraddu ku sheegtay in ay waddo yihiin,hayeeshee waxaa dagaal kala horymid Ciidamadii waday howlgalka burburinta ah dadka Shacabka ah.
Wariyeyaal ku sugan Magalada laas-Caanood ayaa soo sheegaya in dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan Ciidamada Soomaaliland iyo dad diidan Guryahooda laga maqlayo Gudaha iyo Daafaha Magalada laas-Caanood.
Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka uu ku dhaawacm,ay hal ruux oo rayid ah,isla markaana weli uu halkaasi dagaalka ka socdo,sidoo kalena Ciidamada Soomaaliland ay wadaan howlgalka burburinta ah.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiorisaala.com




