Magaalada Sicily ee dalka Talyaaniga inta la xaqiijiyay Labo qoys oo Talyaani ah ayaa dhibaato wayn soo gaartay ka dib markii uu karkaarada jabsaday wabi, kaas oo sababay in uu ka kor maro guryihii ay daganaayeen.
Booliska ayaa xaqiijiyay dhimashadda ku dhawaad sagaal oo isugu jiraan carruur da’doodu kala tahay hal sano, saddex sano, 15 sano iyo waaliddiintood.
Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay sidoo kale in dhacdadaan Saddex ruux oo guryaha ka maqnaa ay badbaadeen.
Saddex ruux oo kalana waxay dhinteen markii ay biyuhu qaadeen gaarigii ay wateen oo marayay koonfurta jasiiradda.
Lix gobol ayaa feejignaan la galiyay waxaana ka mid ah Veneto ilaa Sicily iyo Sardinia oo dhanka koonfurta ah.
Maalmo ay mahiigaanno da’ayeen, dabaylo xoogganna ka dhacayeen Talyaaniga waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 ruux oo badankoodu ku sugnaa waqooyiga iyo galbeedka.



