Dabka ayaa goordhow ka kacay Xarunta Warshadda Isbuunyada tabaarak ay ku leedahay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Gaadiidka dab demiska iyo dadweyne ayaa tegay Goobta, kuwaas oo kku guda jira sidii dabka loo demin lahaa.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay waxa sababay dabkaas, hayeeshee Maamulka Shirkadda iyo kam degmada Boosaaso ayaa la filayaa inay faah faahiyaan.





