SAWIRO:- Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab oo laga sagootiyay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Muqdisho ka ambabixiyay kolonyo abaabulan oo dhawaan ku biiri doono dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Guddoomiye Madaale waxaa ambabixintaas ku wehlinayay Xildhibaano katirsan DFS iyo Xildhibaano katirsan Dowlad goboleedka Hirshabeele, iyada oo qorshaha howlgalkan ay qeyb ka yihiin qaar kamid Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo furinta dagaalka kula midoowi doono Ciidamada xoogga dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa goob fagaara ah kula hadlay ciidamada geesiyaasha ah ee maanta u jiheestay howlgalada dalka looga saarayo Al-Shabaab , isaga oo kula dardaarmay ciidamada in ay soo gaba gabeeyaan maalmaha yar ee u harsan Al-Shabaab.