Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Puntland oo loo yaqaano PSF waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano u dhow dhow Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari.
Ciidamada ayaa waxaa howlgalkaas ku tageen Tuulada Af-urur oo tiro laba jeer ah ay weerar khasaaro farabadan dhaliyey ay kusoo qaadeen Ururka Al-Shabaab,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka kadib ayaa saraakiisha ciidamada PSF waxa ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan tuulada Af-urur, waxana ay uga hadleen sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bari.
Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka inta uu socday, hayeeshee uu ahaa mid ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Dhawaan ayaa Ciidamada PSF ee sida gaarka ah u tababaran waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ka hortageen weeraro kaga imaan lahaa Al-Shabaab.




