Maanta oo Khamiis ah kuna beegan Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa Idaacadada Risaala ee Magalada Muqdisho waxaa laga daah furay Barnaamijka Tartanka Quraanka Gabdhaha oo Sanad walba ay qabato Idaacadda Risaala ee Magalada muqdisho.
Barnaamijkaas Tartanka Quraanka Gabdhaha ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa kaliya ku tartama Gabdhaha Da’da yar,waxaana Risaala ay noqotay Idaacadii ugu horeysay ee qabata Barnaamijkaan.
Barnaamijka Tartanka Quraanka Gabdhaha waxaa taaba gelinaya oo abaal marino ku bixinaya Shirkadda Waaberi Jumbo Company,waxaana ka qeyb galaya Gabdhaha ay da’dooda ka yar tahay 25 Sano, iyaga oo ku tartamaya 30-ka Juz ee Quraanka Kariimka, waxaana ka qeyb galaya 60 Gabdhood.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi ayaa oo tartanka Daahfuray ayaa Alle ka sokow uga mahad celiyay Shirkadda Waaberi Jumbo Company oo tartansan sanad kasta Abaalmarinada ku bixisa.
Wuxuu sheegay in Maanta oo Khamiis ah uu tartanka furan yahay, ayna sanadkaan kusoo kordhiyeen Risaala qeyb muuqaal ah maadaama sanadihii hore hab maqal ah uu uga bixi jiray Idaacadda Risaala mowjada FM 102.2, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in si wanaagsan uu ugu soo geba-gabeeyo tartanka.
Sanad walba marka la gaaro Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Warbaahinta Risaala ee magaalada Muqdisho ay qabataa tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha, iyada oo Gabadhaha kaalmaha hore gala la guddoonsiyo Abaalmarino.






