Qaar ka mid ah dadka Shacabka ah ee kunool Magaalada Muqdisho ayaa xiray Iridda soo xigta dhanka Hoteelka SYL ,taasoo laga galo Madaxtooyadda , waxaana ay dalbanayaan in uu soo baxo Madaxweyne Farmaajo si ay ugu muujiyaan taageeradooda.
Ciidamada Ammaanka ayaa ka hortagay dadka Banaanbaxa sameeyay oo isku dayay in ay galaan Gudaha Madaxtooyadda.
Dadweynaha ayaa xiray wadada laga galo Madaxtooyadda, waxaana ciidanka dowladda ay Adkeeyeen galitaanka Madaxtooyadda iyo wadooyinka agmara.
Dhanka kale dadweyne fara badan ayaa buux dhaafiyay goob garoon ah oo ku taalla Muqdisho, halkaasi oo uu Shacabka kula hadlayo Hoggaamiyaha xisbiga wada jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.




