Maamulka degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo saareen amar culus oo ku socda Dhalinyarada ku Shaqeysta Gaadiidka Mooto Bajaajka ee ka dhex shaqeysa Gudaha degmadaasi Luuq.
Amaradan Cusub ee ay soo kordhiyeen Maamulka degmada Luuq ayaa waxaa ka mid ah in Bajaajleydu aysan tagi karin goobaha ka baxsan degmada Luuq sida tuulooyinka hoos yimaada, hallkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Amarkaan ayaa kasoo baxay Kulan lagu qabtay degmada Luuq oo looga hadlayay amniga,kaas oo ay ka ka qeyb galeen Maamulka,Saraakiisha laamaha ammaanka degmada Luuq,dhalinyarada ku shaqeysta xirfadda dirawalnimada iyo Milkiilayaasha Bajaajta.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa leysku afgartay in laga wada Shaqeeyo adkeynta Amniga iyo sidii ay dhalinyaradu uga qayb qaadan lahaayeen xiriirka ka dhaxeeya bulshada iyo laamaha ammaanka.




