Macalinka kooxda kubadda cagta chelsea ee Marouzio Sarri ayaa diyaarinaya qaabka uu dib u dhis xoogan ugu sameen lahaa kooxda chelsea isagoo diyaar u ah in uu la soo saxiixdo ciyaartooy wax badan u tari karo kooxdooda.
Ka hor bisha Janaayo waxa uu doonayaa Sarri in uu ciyaartooyda uu haatan heesto ku qanciyo inay kooxda sii joogaan waxa uuna diyaarinayaa qorshe cusub.
Febregas iyo David Luiz ayaa la rajeynayaa in ay Chelsea hishiis cusub ku abaal mariso maadaama uu Sarri doonaayo labadaan xidig ina kooxda ka sii mid ahaadaan.
Eden Hazard ayaa ka mid ah xidigaha cabsida weyn laga qabo in ay Blues lumiso bisha Janaayo.
Si kastaba ha ahaatee dhamaan xidigahaan ayuu doonayaa Sarri in uu ka dhaadhiciyo qaabki ay chelsea uga sii Mid ahaan lahaayeen.
Qaar kamid xidigahiisa yaa haatan hishiiska kordhiye sida Kante Iyo Azplecuata kubaas waqti dheer Bridge sii joogaa.