Ku xigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka Rod Rosenstein ayaa beeniyay warar warbaahinta kusoo baxay oo sheegayay in uu qorsheynayo in uu cuskado qodob ka mid ah dastuurka oo ogolaanaya in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump.
Ninkan oo ah kan labaad ee ugu sareeya xagga garsoorka Maraykanka ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Wargeyska New York Times oo soo xiganaya illo wareedyo qarsoon ayaa sidoo kale sheegay in Rosenstein uu si qarsoodi ah u duubay Trump si loo muujiyo qalalaasaha ka jira Aqalka Cad.
Balse Trump oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay gobolka Missouri in wax badan ‘ay kasoo urayaan’ wasaaradda garsoorka, islamarkaasna uu meesha ka saari doono dadka xunxun si la mid ah siduu uu uga taqalusay saraakiishii FBI-da.
Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in Mr Rosenstein uu xubno golaha wasiiradda kala hadlay sidii loo dhaqangalin lahaa qodobka 25-aan, kaas oo ogolaanaya sida madaxweyne xilka haya kursiga looga xayuubin lahaa.
Wargeyska ayaa warbixinta ku saleeyay qoraalo qarsoodi ah oo laga heley madaxdii horey xilka looga qaaday ee FBI-da.
Balse wasaaradda garsoorka Maraykanka ayaa beeniyay wararka kusoo baxay wargeyska, waxayna wax ciyaar iyo dhalanteed ku tilmaameen sheegashada ah in Mr Rosenstein uu si qarsoodi ah u duubay Trump.
In qodobka 25 aad ee dastuurka la cuskado, waxa ay u baahantahay in inta badan golaha wasiiradda Trump iyo madaxweyne ku xigeenka ay u codeeyaan, sidoo kalena ay aqbalaan xildhibaanada Aqalka Congress-ka oo ay ku xoog badanyihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump.