Sarkaal lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya Suuqa Bakaaraha ee magalada Muqdisho ayaa sheegaya Kooxo hubaysan inay galabta halkaasi ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Rag Bistoolado ku hubaysan ayaa sarkaalkan ku beegsaday agagaarka Boosteejada Wayn ee Suuqa Bakaaraha, xilli uu halkaasi marayay, sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Sarkaalka Ciidanka NISA ka tirsanaa ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri, ayaa dhawr xabadood waxaa looga dhuftay qaybaha Sare ee jirka, waxaana taasi ay keentay inuu durba meesha ku dhinto.

Raggii hubaysnaa ee dilka gaystay ayaa markiiba meesha ka baxsaday, maadaama ay gaareen dantii ay lahaayeen oo aheyd inay dilaan sarkaalkaasi.

Ciidamada NISA oo ka agdhawaa goobta dilka uu ka dhacay ayaa durbadiiba tagay goobtaasi waxayna xireen wadada, iyaga oo halkaasi ka sameeyay hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay.

Sarkaalka la dilay ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu horey u soo noqday Taliyihii Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee degmada Waaberi.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, shalay oo ugu dambeysay degmada Dharkeynley waxaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka Millatariga Soomaaliya.