Sarkaal lagu dilay gobolka shabeelada Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in tuulada Caruure ee  hoostagta deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeelaha Dhaxe lagu dilay Lx/le Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe) oo ahaa taliyaha ururka ciidanka darawiishta ee booliiska gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sargaalkan la dilay ayaa kamid ahaa saraakiil iyo ciidamo loo diray in ay kala dhax galaan ayna damiyaan Colaada u dhexeysa laba beelood   oo walaalo ah oo wada dega gobolka Shabeelaha Dhaxe, kuwaa soo maalmihii lasoo dhaafay colaad u dhaxeysay.

Sarkaal dhintay ayaa la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray  iska hor imaad ka dhacay Tuulada caruure  islamarkaana isaga oo dhaawac ah uu ku geeriyooday degaanka Caaji Cali ee gobolka shabeelada Dhexe.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in saakay la dilay taliye Cabduqaadir Juuqlaawe, waxa ay  sheegtay in taliyaha la dilay xilli uu ku howlanaa kala celinta labo beelood oo dagaal colaad oo u dagaal dkexmaray .