Sami-finalka Koobka Qaramada Afrika Oo Caawa La Ciyaarayo

Koobka Qaramada Afrika ayaa gaaray wareega afar dhamaadka iyadoo labada kulan ee semi-finalka la ciyaarayo maanta oo Axad ah.

Senegal waxay caawa fiidkiisa saacada Afrikada Bari mar ay tahay 7pm la ciyaari doontaa xulka Tunisia halka Algeria iyo Nigeria ay Qaahira isku arku doonaan 10ka habeenimo.

Xulalka isagu soo haray semi-finalka kaliya Nigeria ayaa ku guuleysatay koobka tiro ka badan hal jeer.

Xulalka ugu cadcad hanashada Koobka Qaramada Afrika?

Senegal ayaa ah xulka sida weyn loogu saadaalinayo koobka sannadkan, waxaana soo raacda Algeria.

Algeria ayaa lagu doodi karaa inay yihiin kooxda ugi xoogan madaama ay wada badiyeen seddexdii kulan ee group-kooda oo ay ku jirto 1-0 oo ay ku garaaceen Senegal. Ka dib waxa ay 3-0 ku dubteen Guinea wareegii 16ka halka ay rigoorayaal uga soo gudbeen Ivory Coast kulankii wareega sideed dhamaadka.

Waa kooxda kaliya ee kooxaha isagu soo haray wareega afar dhamaadka ee kaalinta koowaad uga soo baxay group-kooda.

Senegal kaalinta labaad ayay uga soo baxday group-ka iyagoo ka danbeeyay Algeria, waxa ay 1-0 kaga soo badiyeen wareegyadii 16ka iyo 8da Uganda iyo Benin.

Nigeria waxa ay kaalinta labaad uga soo baxday Group B iyagoo ka danbeeyay Madagascar, laakiin waxa ay wareegyadii 16ka iyo 8da ku garaaceen Cameroon iyo South Africa.

Tunisia waxa ay Group E uga soo baxday seddex barbaro, waxaana ay u baahdeen rigoore inay ku garaacaan Ghana wareegii 16ka ka hor inta aysan 3-0 ku dubanin Madagascar wareegii sideed dhamaadka.