Saldhigyadda Mareykanka ee Ciraaq oo la duqeeyay

Dhowr gantaal ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha ee Ciraaq ee waqooyiga Baqdaad halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.

Waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Afar ka mid ah Ciidanka Cirka dowladda Ciraaq.

“Saddex askari oo reer ciraaq ah, oo waardiye ka ahaa irida garoonka, ayaa ku dhaawacmay duqeynta,” ayuu yiri Goobjooge.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarka, waxaana xusid mudan in todobaadkii lasoo dhaafay la duqeeyay Saldhigyadda Mareykanka Ciraaq oo Iran ka dambeysay.