Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Dagaal ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda  iyo  Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Uganda ku leeyihiin degaanka Jannaale, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo dhowr saacadood ah.

Dadka degaanka Jannaale ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen inay maqlayeen  dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada AMISOM & Al-Shabaab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay maadaama dadka Shacabka ah aysan tegi karin goobaha lagu dagaalamo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee ku sugan degaanka Janaale ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, hayeeshee aysan biixn faah faahin intaasi ka dheeraad ah.

Dagaalka ka dhacay degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex-maray degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM & Al-Shabaab.