Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle maanta waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan kuwaas, tukaday Labo rakac oo Salaad Roob doon ah.
Dadka Salaada Roob doonka ah ku tukuday Magaalada Jowhar ayaa waxa ay isugu jireen Culamaa’udiin, Odayaal, Dhalinyaro, Arday iyo Haween, waxaana ay ka kala yimideen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar.
Markii la tukaday salaada ayaa waxaa halkaas qudbado isugu jira ducooyin alle looga baryayo in uu kuleelka ka qaado ummada ka soo jeediyay qaar kamid ah culumaa’udiinka ka qeybgashay salaada roob doonka ah.
Gobolada qaar ee Dalka ayaa hada waxaa ka jira abaaro aad u daran, kuwaas oo ay saameeyeen Dadka aiyo Duunyada ku nool halkaasi.



