Safiirka Mareykanka oo kulan kula leh Muqdisho Madaxdii soo gaartay

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ka socda shir u dhaxeeya Jubbaland, Puntland iyo Safiirka u qaabilsan Mareykanka Soomaaliya.

Kulankaan oo ah mid ay Albaabadu u xiran yihiin waxaa diiradda lagu saaraya Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale kulanka lagu waddo in uu dhexmaro Farmaajo iyo labada maamul goboleed.

Dowladda Mareykanka ayaa garwadeen ka ah Shirka dhexmari doona labada dhinac.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud.

Waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waa markii ugu horreysay oo uu Muqdisho yimaado tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland.