Sadio Mane oo wadnaha jaray Jamaahiirta Real Madrid

Sadio Mane ayaa farriin cad u diray Real Madrid isagoo ku adkeystay inuu ku faraxsan yahay Liverpool.

Xiddiga reer Senegal ayaa ah xiddiga ugu fiicnaa Liverpool xilli ciyaareedkan, waxaana lala xiriirinayay Real Madrid intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa inuu taageere weyn u yahay Mane, laakiin 27 jirka ayaa u muuqda mid sii joogi doona Anfield.

“Si aan u noqdo qof daacad ah, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka mid noqdo naadigaan Reds, reerkeyga halkaan ayay joogaan,” ayuu Mane u sheegay saxaafada.

waxaan haysanaa taageerayaasha ugu fiican adduunka, marka had iyo jeer waan u mahadnaqayaa taageerayaasha.

Kaliya aniga xitaa wax weyn ma noqdeen la,aantoot – waxay kooxda siiyaaan dhiirrigelin dheeraad ah oo ay ka sameeyaan gudaha iyo dibada garoonka.

“Waxay naga dhigaysaa taas kuwa markasta gaajo qaba si ay uguuleystaan… runti waxaan ku dhibtoonayaa inaan sharxo sida aan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo.

Mane ayaa kula guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii hore Liverpool, halka Reds ay rajeynayaan inay ku guuleystaan horyaalkoodii ugu horreeyay ee Premier League xilli ciyaareedkaan.

Maaddaama uu yahay mid ka mid ah cayaartoyda ugu fiican kooxda, Mane wuxuu si xoog leh u amanay Roberto Firmino oo saxiibo ku yihiin weerarka Liverpool.

Bobby wuxuu sameeyaa dabaaldagyo mararka qaar cajiib ah oo aan lkaga daysano,  “Waan ogahay in Bobby uu mar kale sameyn doono wax cusub waayo isagoo waa mid gara ah ayuu hadalkiisa ku daray.