Saddex Kooxood oo ku tartamaya Ciyaaryahan Caan ah

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu indhaha ku hayo ciyaaryahanka qadka dhexe ee Real Madrid Martin Odegaard inuu qeyb ka noqdo dib u dhiska Manchester United, isagoo ku kula biiray xiisahaan kooxaha Liverpool iyo Arsenal.

Sida ay sheegayaan wararka, kooxahan ka dhisan Premier League  ayaa ku fikiraya inay Odegaard kula doo wareegaan 25 milyan ginni xagaaga soo aadan iyagoo dalab joogto ah u gudbinaya Real Mdrid.

Odegaard wuxuu jiray 15 sano markii uu ku soo biiray xulka waa weyn ee Norway.

Markii uu jiray 16, wuxuu ka tagay Stromsgodset isagoo ku biiray Bernabeu laakiin wuxuu saftay kaliya labo kulan oo sarre ka hor inta aanamaah lagu fasaxin .

United ayaa ku biirtay liiska kooxaha lala xiriirinayo xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Norway, kaasoo qaab ciyaareed wanaagsan ku bilaawday waqtigiisa Real Sociedad oo u amaah hal xilli ciyaareed ah la qaadanayo.

Sanadkii 2015, 20 jirkaan ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay Real Madrid. isagoo fursado badan aann helin intii uu hogaaminayay Zinedine Zidane kooxda.

si kastaba, waxaan amaah ugu biiray kooxda Sociedad oo uu haatan soo iidasho badan ka sameynayo.

Bishii Agoosto, Odegaard wuxuu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay La Liga isagoo wajahay Mallorca, bishii Sebtember, waxaan soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii guushii Sociedad ka gaartay Atletico Madrid.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in Solskjaer aanu caawin karin laakiin aragto waxqabadka Odegaard ay tahay mid uu aaminsan yahay

Sidaas darteed, United ayaa raadin doonta inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka dhalinyarada ah .

Si kastaba ha noqotee, Madrid ayaan weli dooneynin inay u ogolaato inuu ku baxo wiilkaan qiimo jaban, madaama ay aamisan yihiin inuu mustaqbal fiican ku leeyahay kooxda.

Arsenal

Unai Emery ayaa ugu yeeray saxeexa rikoorka kooxda Nicolas Pepe inuu ku guuleysan doono kooxda islamarkaana uusan eegin cadaadiska lagu saarayo qiimaha sarre ee uu ugu soo biiray kooxda, waxaana uu ku taageeray weeraryahanka inuu ku riyaaqo waayihiisa ciyaareed ee Arsenal.

The Gunners ayaa xagaagii ku qarash gareeyay in ka badan 70 milyan ginni inay ku soo xerogeliyaan xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast xagaagan, laakiin Pepe ayaa ku bilowday qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Premier League.

24 jirkan ayaa 22 gool u dhaliyay Lille xilli ciyaareedkii hore isagoo ku biiray kooxda waqooyiga London ka dhisan  laakiin waxa uu ku guuldareysrtay inuu sameyo wax soo jiidasho leh.

“Ma aysan fududaan bilowgiisa,” ayuu u sheegay raadiyaha faransiiska ee RMC ka dib markii mar kale hoos u dhac sameeyay ciyaaaryahabnka kulankii 1-1 ay la galeen kooxda Manchester United.

Kalsoonideyda waa inuu soo noqdaa. Aad ayaan uga walwalsanahay. Dadku la yaaaban bandhigiisa.

Emery ayaan wlai go’aansan inuu ku soo bilowdo Pepe kulanka Khamiista ee Europa League Group F ay ku wajahyaan standard Liege

Tababaraha reer Spain ayaa ku adkeystay inaysan wax walaac ah ka qabin lacagta ay ku bixisay kooxdiisa Pepe kaasoo gool rigoore ah dhaliyay kulankii 3-2 kaga badiyeen Arsenal kooxda Aston Villa.