Muqdisho-RisaalaFM- In badan oo ka mid ah Jaaliyadaha ku nool Dalka Mareykanka iyo Hay’adaha Qaxootiga ayaa waxa ay hadal hayaan arrimaha la xiirira go’aan uiu dhowaan soo saaray Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump, kuwaasi oo la xiriira Qaxootiga, sharciyada iyo kala qub qubnaan bulsho.
Waxa uu dhowaan joojiyay in ka badan 7 Dal oo Islaam ah in ay dadkooda soo gali karin gudaha Dalka Mareykanka, iyadoo isla xilligaasi Soomaaliya lagu soo celiyay in ka badan 90 ruux oo Soomaali ah.
Xarunta Lagu caawiyo Qaxootiga iyo Dadka soo galootiga (Community Refugee Immigration Service) ayaa waxa ay ka hadashay amarka ka soo baxay Madaxweyne Donald Trump, ee ku aadan ficilka Qaxootiga looga saarayo Mareykanka.
Gudoomiyah Hay’ada (CRIS) Angella k.Plummer ayaa waxa ay sheegtay amarkan in uu saameyn ku yeelan doono mideynta Qoysas kala maqan, kuwaas oo kala ah Fiisooyinka iyo wax yaabo kale.
“Halkani waa xarunta lagu caawiyo Qaxootiga iyo soo galootiga magaceygu waa Angella k.Plummer oo ah Gudoomiyah Hay’ada (CRIS), ma hayno weli macluumaad dheeri ah, balse waxaan wadnaa dadaalo dheeri ah oo arrintan looga hortagayo” ayay tiri Angella k.Plummer.
Sidoo kale Angella k.Plummer ayaa sheegtay go’aankan in uu hakin karo socdaalka dadka Qaxootiga ah ee asalkoodu uu yahay Soomaalida, waxaana ay sheegtay in ay Taageere ka heli doonaan bulshada.
Donald Trump Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka ayaa dhowaan amray in Dadka Qaxootiga aysan soo geli karin Mareykanka, gaar ahaan 7 Dal oo dhamaantood ah Muslimiin, kuwaas oo kala ah Soomaaliya, iiraan, Yaman, Libya, Suudaan, Ciraaq iyo Syria, waxaana lagu eedeeyay Argagixisanimo.
W/D:- Abdirashiid Ali Dubad


